DFS oo ciidamo dheeri ah geysay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Sida ay sheegayaan wararka Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka  Al-shabaab.

Deegaankaan ciidamada dheeraad ah geysay dowladda ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan weerarada ka geysteen maleeshiyaadka Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada la geeyay deegaanka Cadaan Laxeey oo hoostagta magaalada Ruunirgood ayaa ah cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ku sugan Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidanka dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute , waxayna halkaasi ka wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles