DFS oo ciidamo dheeri ah geysay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Sida ay sheegayaan wararka Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka  Al-shabaab.

Deegaankaan ciidamada dheeraad ah geysay dowladda ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan weerarada ka geysteen maleeshiyaadka Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada la geeyay deegaanka Cadaan Laxeey oo hoostagta magaalada Ruunirgood ayaa ah cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ku sugan Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidanka dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute , waxayna halkaasi ka wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles