Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ka tirsan Mudug.

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa labo maleeshiyo beeleed ay maanta ka taagan deegaano hoostaga degmada Afbarwaaqo ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay dagaal qaraar uu deegaanka Buq-qalooc uu ku dhexmaray labada Maleeshiyo beelood. Waxaana dagaalkii shalay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday 10 qof, halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xiisadan u dhexeysa labada beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug gaar ahaanna degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa maalmahan isku hor fadhiyay deegaanadaasi, waxaana weli taagan xiisadda dagaalkaasi oo marar kala duwan soo noq noqday islamarkaana aan weli xal dhammaystiran laga gaarin.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles