Wednesday, March 4, 2026

Sirdoonka Mareykanka oo taageeray go’aankii uu Trump ku weeraray Iran

Madaxa CIA-da ee dalka Mareykanka, ayaa taageeray aragtida madaxweyne Trump ee ah, in duqeymaha Mareykanka uu ka geystay xarumaha Nukliyeerka ee Iran, uu geystay burbur xooggan.

John Ratcliffe, ayaa sheegay in wakaaladdu ay heshay xogo sirdoon ooh or leh oo lagu kalsoonaan karo, kuwaas oo muujinaya in la burburiyay goobihii muhiimka ahaa ee Nukliyeerka Iran.

Maamulka Trump ayaa ka gows adeegayay xogo sir ah oo la dusiyay oo sheegayay in qaybaha xudunta u ah barnaamijka Nukliyeerka Iran uu dhaawac fudud gaaray balse aanan si buuxda loo burburin.

Ergeyga madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa telefishan Mareykanka ka sheegay in tayeynta Nukliyeerka ee Iran ay sii ahaan doonto “khadka cas” ee Mareykanka.

Laakiin wuxuu sheegay inuu hadda ku rajo weyn yahay heshiis nabadeed oo dhammaystiran oo lala gaaro Tehran.

Mr Trump ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka iyo Iran ay kulmi doonaan todobaadka soo socda.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles