DFS oo malaayiin doolar ka heshay Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo kala ahaa Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Wakiilka EU Soomaaliya iyo Madaxa Qorshaynta Istaraatiijiyadeysan ee Maaraynta Qataraha, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay hannanka dib-u-haneynta Maaliyadda, casiriyeynta ilaha dakhliga iyo xoojinta xiriirka Dowladda iyo hay’daha Maaliyadeed ee Caalamka.

Sidoo kale intii uu socday kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda arrimaha Maaliyadda gaar ahaan kabka miisaaniyadda Dowladda oo ah taageero joogta ah taas oo uu Wasiirka Maaliyadda kaga mahadceliyay dalalka midowga yurub taageerada ay had iyo jeer u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.

Kulanka kadib, Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan €10.5 Milan Yuuro oo ah kab miisaaniyadeed oo lagu horumarinayo arrimaha adeegga dad-weynaha iyo waxbarashada oo Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii la soo dhaafay mudnaan gaar ah siinaysay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles