Sunday, June 1, 2025

Somalia oo Midawga Africa Ka Gudoontay Gadiidka Gashaman & Agab Militeri

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoontay Midowga Afrika gaadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo agab ciidan, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta dagaalka AS, sugidda amniga iyo xasilloonida Gobolka oo door muuqda ay ku leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa gaadiidkaan iyo agabkaan magaalada Douala ee Dalka Cameroon uga guddoomay koox ka socotay saldhig qaaradeedka saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB).

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika oo la garab taagan taageero joogto ah, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, la dagaalanka AS, xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taabagasha guud ahaan Qaaradda Afrika.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles