Sunday, January 25, 2026

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in deegaanadeeda la geeyo xubno ka tirsanaa malleeshiyo Falastiini ah oo la shaqeynayay Ciidamada Israa’iil, kuwaas oo dagaal la galay ururka Xamaas intii uu socday dagaalka Qasa.

Malleeshiyadan ayaa la sheegay in noloshooda khatar ku jirto, kaddib markii Ciidamada Israa’iil ay bilaabeen inay ka baxaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Marinka Qasa, taasoo qeyb ka ah wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee labada dhinac.

Malleeshiyadan ayaa  waxaa aas-aasay Militeriga Israa’iil xilligii dagaalka socday, si ay u abuuraan colaad sokeeye oo dhex marta kooxaha Falastiiniyiinta, taasi oo sahli lahayd in Israa’iil ay si fudud u qabsato magaalada Qasa.

Xamaas ayaa la sheegay inay dishay hoggaamiyeyaasha malleeshiyadaas, taasoo keentay inuu fashilmo qorshe uu watay Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlaya arrintan, halka wararkaasi ay weli ku saleysan yihiin xog ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo hadal-heyn ballaaran, iyadoo ay dad badan su’aal ka keeneen saameynta ay ku yeelan karto siyaasadda iyo sumcadda Somaliland ee caalamka.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

Trump oo digniin u diray Canada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100%...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles