Sunday, December 21, 2025

Somaliland oo dil toogasho ah ku fulisay Rag horay u dilay Sarkaal iyo Askari

Xukuumadda Somaliland ayaa dil toogasho ah ku fulisay Shibil Saalax Isaaq, oo Gabiley ku dilay Buux Mawliid Ismaaciil, oo ahaa askari booliis ah, iyo Maxamuud Cali Nuur, oo dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska ee Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cali Cabdi Nuur.

Dilkan qisaasta ah, oo la fuliyey saaka aroornimadii hore, ayaa ka dhacay nawaaxiga Xabsiga Dhexe ee Madheera, ee gobolka Saaxil. Dilka ayaa la fuliyey kadib markii Maxkamadda Ciidamadu ay si buuxda ugu heshay dambiyada ay geysteen.

“Xeer-Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qaranka JSL ayaa saaka fulisay qisaasta gacan-ku-dhiiglaha Ex-Askari Maxamuud Cali Nuur, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, iyo gacan-ku-dhiiglaha Shibil Saalax Isaaq Muxumed, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Askari Booliis Buux Mawliid Ismaaciil,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska.

Qisaastan, oo noqotay tii ugu dhakhsaha badnayd ee la fuliyo, ayuu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, shalay qalinka ku duugay si loo oofiyo qisaasta Shibil iyo Maxamuud, kadib markii ehelada askartii ay raggani dileen ay codsadeen in qisaasta la dedejiyo.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa shalay saxiixay warqadda xukunkaan toogashada maanta lagu fuliyay wuuna soosaxiixay iyada oo ugu dambeyn xukunkii toogashada ah lagu fuliyay labadii gacan ku dhiigle.

WARARKII KALE

Dowladda Federaalka oo ka fiirsanaysa in ay jawaabto go’aannadii ka soo baxay Shirka Kismaayo

Kadib go’aannadii ka soo baxay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

Wafdi ka socda DFS oo Qaahira ugu Qayb galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Maraykanka oo markabkii labaad ka qabsaday xeebaha Venezuela

Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo dhawaan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles