Wednesday, March 19, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya iyo Ujeedkooda oo la helay

Sida ay ku waramayaan warbaahinta Itoobiya Ciidamadii ugu badnaa oo oo Itoobiyaan ah ayaa soo galay gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo aan la qiyaasin tiradooda  rasmi ah, waxaana la sheegay in ay wateen gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaa ayna ku sugan yihiin deegaanka Feerfeer ee G/Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay  fariisin ka dhigan doonaan  deegaano ka mid ah Hiiraan  iyo Shabeellada dhexe, waxaa ayna  qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.maadaama maalmihii la soo dhaafay weeraro rogaal celin ah ku soo qaaday deegaanada Shabeellaha Dhexe.

Habeeno ka hor  ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaddib codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin Howlgalla cusub ee AUSSOM, waxaana sidoo kale kaalin ka qaadan doonaan duqeymaha lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ma jiro weli war ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka hadasho ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay Soomaaliya iyo waxyaabaha ay qaban doonaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa xiligan waxaa ay ku sugan  gobolladii ay horey uga howlgalayeen ee Soomaaliya, sida Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa...

Qarax ka dhacay muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo...

Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles