Tuesday, June 16, 2026

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya iyo Ujeedkooda oo la helay

Sida ay ku waramayaan warbaahinta Itoobiya Ciidamadii ugu badnaa oo oo Itoobiyaan ah ayaa soo galay gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo aan la qiyaasin tiradooda  rasmi ah, waxaana la sheegay in ay wateen gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaa ayna ku sugan yihiin deegaanka Feerfeer ee G/Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay  fariisin ka dhigan doonaan  deegaano ka mid ah Hiiraan  iyo Shabeellada dhexe, waxaa ayna  qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.maadaama maalmihii la soo dhaafay weeraro rogaal celin ah ku soo qaaday deegaanada Shabeellaha Dhexe.

Habeeno ka hor  ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaddib codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin Howlgalla cusub ee AUSSOM, waxaana sidoo kale kaalin ka qaadan doonaan duqeymaha lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ma jiro weli war ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka hadasho ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay Soomaaliya iyo waxyaabaha ay qaban doonaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa xiligan waxaa ay ku sugan  gobolladii ay horey uga howlgalayeen ee Soomaaliya, sida Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles