Friday, March 13, 2026

Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay baahisay warbaahinta Al Arabiya, kaasi oo lagu sheegay in ciidamo aan ka tirsanayn kuwa Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

War-saxaafadeed ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, isla markaana la xaqiijiyay in ciidanka kaliya ee ka jooga deegaanadaasi ay yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

“Ma jiraan wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, mana jiraan wax ciidan ah oo halkaas jooga marka laga reebo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland ayaa ugu baaqday warbaahinta caalamka in ay hubiyaan xogtooda ka hor inta aysan baahin warar ay sheegtay in ay khalad iyo marin-habaabin ku yihiin amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles