Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka billowday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari.

Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed ayaa waxaa wada siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda hab-maamulka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxamuud Mashruuc, Faarax Cali Shire iyo xubno kale. Siyaasiyiintan ayaa dhaliilaya nidaamka uu Madaxweyne Deni ku hoggaaminayo Puntland, iyagoo ku eedeynaya inuu ka gaabiyay arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo horumarka.

Siyaasiyiinta ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in ay u kuurgalaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee ka jirta Puntland, isla markaana ay la tashiyo ballaaran la yeeshaan bulshada deegaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Saciid Deni inuusan aaminsaneyn qaranimada Soomaaliya, isla markaana uu caqabad ku yahay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Boosaaso maalmaha soo socda lagu wado in lagu qabto shir ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Deni, kaas oo lagu gorfeeyn doono xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo mustaqbalka maamulka.

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida siyaasadeed ee Puntland, isla markaana ay sii kordhiyaan khilaafaadka u dhexeeya hoggaanka maamulka iyo mucaaradka, taas oo laga cabsi qabo inay wiiqdo amniga, horumarka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles