Wednesday, March 4, 2026

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo iska kaashanaya kobcinta ganacsiga iyo warshadaha labada dal

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Aljeeriya, Mudane Kouidri Chakib Ismail. Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan rugtaas, kuwaasoo muujiyay daneyn iyo diyaar garow ku aaddan xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada ganacsiga, warshadaha, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsiga ee labada dowladood. Danjire Yuusuf Jeego ayaa carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta, lana abuuro jawi ganacsi oo furan, kaasoo dhiirrigelin kara maalgelinta iyo iskaashiga u dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Aljeeriya.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyay in la aas-aaso xiriir rasmi ah oo dhexmara Rugta ganacsiga ee Soomaaliya iyo tan Aljeeriya, si loo fududeeyo is-dhaafsiga ganacsi, khibrado, iyo tababarro la xiriira warshadaha iyo suuq-geynta. Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la bilaabo hannaan isku xirka ganacsatada labada dal, loona diyaariyo kulamo iyo shirar kor u qaada iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles