Wednesday, July 30, 2025

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo iska kaashanaya kobcinta ganacsiga iyo warshadaha labada dal

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Aljeeriya, Mudane Kouidri Chakib Ismail. Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan rugtaas, kuwaasoo muujiyay daneyn iyo diyaar garow ku aaddan xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada ganacsiga, warshadaha, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsiga ee labada dowladood. Danjire Yuusuf Jeego ayaa carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta, lana abuuro jawi ganacsi oo furan, kaasoo dhiirrigelin kara maalgelinta iyo iskaashiga u dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Aljeeriya.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyay in la aas-aaso xiriir rasmi ah oo dhexmara Rugta ganacsiga ee Soomaaliya iyo tan Aljeeriya, si loo fududeeyo is-dhaafsiga ganacsi, khibrado, iyo tababarro la xiriira warshadaha iyo suuq-geynta. Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la bilaabo hannaan isku xirka ganacsatada labada dal, loona diyaariyo kulamo iyo shirar kor u qaada iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles