Friday, July 3, 2026

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay la-tashiyo rasmi ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, kuwaas oo hoosta ka xarriiqay qotodheeraanta iyo adkaanta xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku-duwidda mowqifyada arrimaha gobolka, iyadoo Masar ay mar kale adkaysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale,

labada dhinac waxay ka wada hadleen dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

 

WARARKII KALE

Puntland oo mamnuucday shirar siyaasadeed oo ka dhan ah Deni in lagu qabto Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed oo aan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Muuse Biixi oo Cirro ku eedeeyay marin-habaabin iyo safarro qarsoodi ah

Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa...

Ciidanka Uganda ee AUSSOM oo yeeshay taliye ku xigeen cusub

Ciidanka Difaaca Uganda ee, kana tirsan howlgalka Midowga Afrika...

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay...

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles