Wednesday, May 13, 2026

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay hawlaha xafiiska UNTMIS

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas’uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo qof, kuwaas oo ka kala socday hey’adaha dawladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya.

Shirka oo ay wadajir u soo qaban qaaabiyeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo hawlgalka QM ee UNTMIS, waxay ujeeddadiisu ahayd diyaarinta jadwal faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka xafiiska siyaasadda ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ay sannadka hore ee kala guurka ku wareejineyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha QM.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda xirirtaankeeda ayaa wuxuu ka mahadceliyay kaalinta uu hawlgalka QM ka qaatay Qaran dhiska Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in haatan ay Dowladda Soomaaliya samaysay horumar dhinacyo badan leh isla markaana ay baahiyadii hortabinta u lahaa is beddeleen.

Wuxuu sheegay in marka muddada labada sano ah ee kala guurku ay dhammaato, ay QM iyo hey’ad kasta oo Soomaaliya ka howlgaleysaa ay barnaamijyadeeda iyo mashaariicdeeda ku saleyn doonto Hindisaha Isbedekka Qaran ee loo soo gaabiyo NTP.

Wuxuu mas’uuliyiinta shirka ka soo qeyb gashay uu kula dardaarmay in waqtiga kala guurku ahaado mid macquul oo si deggan Loo maareeyo oo aan lala daahin ayadoo howl kasta daraasad lagu samaynayo ka dibna loo asteeyo xilliga ugu habboon ee ay tahay in hey’addii dawladeed ee lahayd lagu wareego.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Danjire James Swan, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

Wasiirka iyo Ergeygu waxay si weyn ugu mahadceliyaan howlkarnimada mas’uuliyiinta iyo khubarada ka qeyb galay dejinta qorshaha faahfaahsan ee kala guurka, kaas oo loo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay bisha Maarso ee sannadkan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo la filayo inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Ciidankii Lafta gareen oo weerar ku qaaday Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xiisadda...

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta...

Maayarka Hargeysa oo xilka laga qaaday

Ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka...

Imaaraadka Carabta”waxay si qarsoodi ah ugu lug lahayd ‘weeraradii Iran”

Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, Imaaraadka Carabta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles