Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka oo socdaal ku jooga Ruushka

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Ruushka ayaa kulan muhiim ah la qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dowladda Ruushka mudane Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, in dhinacyadu yeeshaan wadashaqayn dhow iyo in si guud Hay’adda SoDMA laga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro dhan kasta ah iyo qalabeyn.

Wasiir Roman Viktorovich ayaa ballan-qaaday in uu madaxda ugu sarreysa Russia gaarsiin doono sida ay muhiim u tahay in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya, si saameynta abaaraha aysan u gaarin xaddi aan waxba laga qaban karin, halka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin uu ka mahad-celiyay taagerada muddada dheer ah, isagoo bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles