Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay hawlaha xafiiska UNTMIS

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen mas’uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo qof, kuwaas oo ka kala socday hey’adaha dawladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya.

Shirka oo ay wadajir u soo qaban qaaabiyeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo hawlgalka QM ee UNTMIS, waxay ujeeddadiisu ahayd diyaarinta jadwal faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka xafiiska siyaasadda ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ay sannadka hore ee kala guurka ku wareejineyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha QM.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda xirirtaankeeda ayaa wuxuu ka mahadceliyay kaalinta uu hawlgalka QM ka qaatay Qaran dhiska Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in haatan ay Dowladda Soomaaliya samaysay horumar dhinacyo badan leh isla markaana ay baahiyadii hortabinta u lahaa is beddeleen.

Wuxuu sheegay in marka muddada labada sano ah ee kala guurku ay dhammaato, ay QM iyo hey’ad kasta oo Soomaaliya ka howlgaleysaa ay barnaamijyadeeda iyo mashaariicdeeda ku saleyn doonto Hindisaha Isbedekka Qaran ee loo soo gaabiyo NTP.

Wuxuu mas’uuliyiinta shirka ka soo qeyb gashay uu kula dardaarmay in waqtiga kala guurku ahaado mid macquul oo si deggan Loo maareeyo oo aan lala daahin ayadoo howl kasta daraasad lagu samaynayo ka dibna loo asteeyo xilliga ugu habboon ee ay tahay in hey’addii dawladeed ee lahayd lagu wareego.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Danjire James Swan, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

Wasiirka iyo Ergeygu waxay si weyn ugu mahadceliyaan howlkarnimada mas’uuliyiinta iyo khubarada ka qeyb galay dejinta qorshaha faahfaahsan ee kala guurka, kaas oo loo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay bisha Maarso ee sannadkan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles