Thursday, November 13, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo iska diiday qorsho uu waday Mareykanka

Sida ay shaacisay wakaalad wararka AP Mareykanka iyo Israa’iil ayaa la xiriiray mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya iyo Suudaan dowladood si ay ugala hadlaan in dhulalkooda loo adeegsado dib u dejinta Falastiiniyiinta laga barakicinayo marinka Qaza sida uu qorsheynayo madaxweyne mareykanka Donald dagaalka kadib, sida ay saraakiil Mareykanka iyo Israa’iil u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press.

Xiriirada lala yeesheen dalalka Sudan, Soomaaliya waxaa soo raacaya Somaliland gobol ku dhawaaqay gooni u goosad.

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in ay ku gacan seyreen hadalka ka soo yeeray Mareykanka, halka mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Maamulka gooni u goosadka Somaliland ay sheegeen in aysan ka warqabin wax xiriir ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Tani ayaa turjumaysaa sida ay Maraykanka iyo Israa’iil uga go’an tahay inay ku dhaqaaqaan qorshe si weyn loo cambaareeyey, isla markaana dhaliyey arrimo culus oo dhinaca sharciga iyo damiirka ah.

Soomaaliya iyo suudaan waa laba wadan oo sabool ah ayna aafeeyeen rabshado.

soo jeedinta Mareykanka waxay shaki gelinaysaa yoolka uu sheegay Trump ee ah barakicinta shacabka Gaza  si magaaladaasi looga dhigo goob qurux badan. Sida uu xusayo qorshaha Trump ee 2025.

Sida uu dhigayo qorshaha Trump, in ka badan laba milyan oo deggan Gaza ayaa la doonayaa in la barakiciyo si Mareykanka uu u dhiso magaaladaasi kadibna la wareego balse Falastiiniyiinta ku sugan Qaza ayaa diiday soo jeedinta, iyaga oo diidan sheegashada Israa’iil ee ah in ay noqon doonto “guuritaan ikhtiyaari ah”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gaaray Magaaladda Kampala ee caasimadda Dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha wadooyinka Dekedda

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir...

Hay’ada WHO oo war ka soo saartay cudurka ka dilaacay Itoobiya

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay inay u...

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Farmaajo oo muddo seddex sano ah kadib dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles