Saturday, March 7, 2026

Soomaaliya iyo Suudaan oo iska diiday qorsho uu waday Mareykanka

Sida ay shaacisay wakaalad wararka AP Mareykanka iyo Israa’iil ayaa la xiriiray mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya iyo Suudaan dowladood si ay ugala hadlaan in dhulalkooda loo adeegsado dib u dejinta Falastiiniyiinta laga barakicinayo marinka Qaza sida uu qorsheynayo madaxweyne mareykanka Donald dagaalka kadib, sida ay saraakiil Mareykanka iyo Israa’iil u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press.

Xiriirada lala yeesheen dalalka Sudan, Soomaaliya waxaa soo raacaya Somaliland gobol ku dhawaaqay gooni u goosad.

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in ay ku gacan seyreen hadalka ka soo yeeray Mareykanka, halka mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Maamulka gooni u goosadka Somaliland ay sheegeen in aysan ka warqabin wax xiriir ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Tani ayaa turjumaysaa sida ay Maraykanka iyo Israa’iil uga go’an tahay inay ku dhaqaaqaan qorshe si weyn loo cambaareeyey, isla markaana dhaliyey arrimo culus oo dhinaca sharciga iyo damiirka ah.

Soomaaliya iyo suudaan waa laba wadan oo sabool ah ayna aafeeyeen rabshado.

soo jeedinta Mareykanka waxay shaki gelinaysaa yoolka uu sheegay Trump ee ah barakicinta shacabka Gaza  si magaaladaasi looga dhigo goob qurux badan. Sida uu xusayo qorshaha Trump ee 2025.

Sida uu dhigayo qorshaha Trump, in ka badan laba milyan oo deggan Gaza ayaa la doonayaa in la barakiciyo si Mareykanka uu u dhiso magaaladaasi kadibna la wareego balse Falastiiniyiinta ku sugan Qaza ayaa diiday soo jeedinta, iyaga oo diidan sheegashada Israa’iil ee ah in ay noqon doonto “guuritaan ikhtiyaari ah”.

WARARKII KALE

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe kula afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jeneraal Khaalid oo Isbitaalka Xoogga ku booqday carruur ay Al-Shabaab ku dhaawaceen G/Sh/Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo abaal-marin siiyay ardaydii ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

James Swan oo loo magacaabay inuu noqdo ergeyga Corgo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles