Friday, June 19, 2026

Soomaaliya: “Ma nihin dal ku jira xaalad kala-guur ah” Fariin culus oo loo diray Beesha Caalamka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka kooxda beesha caaamka e loo yaqaan C6+ oo qaabilsan arrimaha Caalamka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo loo dirtay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo dalalka ay quseyso ayey dowladda Soomaaliya ku caddeysay mowqifkeeda in lasoo afjaro jiritanka Qaab-dhismeedka C6+.

Warqadda oo uu saxiixay Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda, Ali Omar ayaa lagu sheegay in qaab-dhismeedka C6+ uu markii hore ku yimid duruufo siyaasadeed oo dalka ka jiray xilligii KMG ah ee ka dib 2010, xilligaas oo hay’adaha dowladda ay curdun ahaayeen, madax-bannaaniduna ay si weyn u koobnayd.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in duruufahaas maanta aysan jirin, loona baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo qaabka ay Beesha Caalamka ula macaamisho Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in Soomaaliya hadda tahay dal madax-bannaan, leh hay’ado dastuuriga ah oo shaqeynaya, nidaam dimuqraadi ah oo kobcaya, iyo himilo qaran oo cad oo ku wajahan horumar iyo xasillooni.

Sidaas darteed, sii wadidda C6+ ayey dowladda ku tilmaantay mid ah duugoobay oo aan la jaanqaadi karin xaaladda siyaasadeed ee maanta ka hor imaanaya mabda’a is-xilqaan iyo lahaanshaha qarannimada

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibada caalamka in ay xiriirkooda iyo iskaashiga la yeeshaan Soomaaliya ay mariyaan qaabab rasmi ah iyo hay’adaha sharciyeysan, oo ka tarjumaya madax-bannaanida iyo horumarka ay gaartay dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya diyaar u tahay wadashaqayn buuxda oo la yeelato saaxiibbadeeda caalamiga ah, balse aysan aqbaleyn in lagu dhaqmo sidii marxaladii KMG aheyd.

Kooxda Beesha Caalamka ee C6+ ayaa la dhisay xiligii ay Soomaaliya ku jirtay Kumeelgaarka, waxaana ka mida: Mareykanka, UK, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD Itoobiya, Kenya, iyo Sweden.

Warqaddan ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku jirto sanadkii ugu danbeeyay muddo xilleedkiisa oo xilliga ay beesha caalamka culeyska saarto dhinacyada isku haya siyaasadda Soomalaiya.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa in muddo ah dooneysay in ay dib u hanato doorkeeda caalamiga ah iyo in ay si buuxda ula wareegto hagidda siyaasadda dalka, iyadoo hore u dalbaday in meesha laga saaro xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya inuu go’aana dowladda Federaalka yimid, kadib  is fahamwaa sii kordhaya oo u dhexeeya Madaxtooyada  Soomaaliya iyo qaar ka mida dalalka beesha caalamka, sida Mareykanka iyo Ingiriiska.

Waxaa hadda socda qabanqaabada shirka qaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay  oo ay qaadacdayMadasha mucaaradka, xili beesha Caalamka ay cadaadis saarayso dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles