Tuesday, August 18, 2026

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

La-taliyaha Amniga Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Dr. Badr Abdelatty, xilli ay ka wada qeyb galayaan shirweynaha sanadlaha ah ee Oslo Forum 2025.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga xiriira ka dhexeeya labada dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo dadaallada ay labada dal si wadajir ah uga wadaan xasilinta gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee dalkiisa u hayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka, iyo amniga. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in ay sii waddo taageerada ay siiso Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya (@aussom_).

Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM

Masar ayaa waxay sare u qaaday sanadihii la soo dhaafay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles