Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

La-taliyaha Amniga Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Dr. Badr Abdelatty, xilli ay ka wada qeyb galayaan shirweynaha sanadlaha ah ee Oslo Forum 2025.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga xiriira ka dhexeeya labada dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo dadaallada ay labada dal si wadajir ah uga wadaan xasilinta gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee dalkiisa u hayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka, iyo amniga. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in ay sii waddo taageerada ay siiso Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya (@aussom_).

Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM

Masar ayaa waxay sare u qaaday sanadihii la soo dhaafay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles