Tuesday, August 18, 2026

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarka Iran ku qaaday Qatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar, gaar ahaan saldhigga Al Udeid.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaasi yahay gardarro cad oo ka dhan ah dowlad madax-bannaan, isla markaana uu khatar gelinayo amniga dadka rayidka ah iyo xasiloonida gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxay si adag u dhaleeceynaysaa falka gardarrada ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kula kacday Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta dadka rayidka ah iyo bedqabka guud ee gobolka.

Soomaaliya waxay mar kale ku celisay mowqifkeeda cad ee ah garab-istaagga Dowladda Qatar, iyada oo taageero buuxda u muujisay dadaallada ay Qatar ugu jirto difaaca amnigeeda, xasilloonideeda, iyo ilaalinta khayraadka dadkeeda sharafta leh.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxaana sidoo kale ugu yeereynaa beesha caalamka inay si mid ah u garab istaagto dadaallada nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles