Soonaaliland oo durtay shirkii Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan

Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa ka falceliyey shirkii ay magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar ku yeesheen madaxda Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan, kaas oo lagu adkeeyey midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, lagana soo horjeestay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed aanay awood u lahayn inay go’aamiyaan mustaqbalka Somaliland, isaga oo tilmaamay in kulamada noocan ahi ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay tirtiri karin taariikhda, madaxbannaanida iyo rabitaanka shacabka Somaliland, sida uu ku sheegay faalladiisa.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in kulankaasi aanu khatar ku ahayn oo keliya danaha Somaliland, balse uu dhaawici karo danaha istaraatiijiyadeed ee dalal muhiim ah oo gobolka iyo dalalka deriska la ah.

Isaga oo dhaliilaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayuu maamulka Muqdisho ku tilmaamay mid fashilmay, isaga oo ku eedeeyey in loo adeegsanayo awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda gobolka iyo caalamka.

“U adeegsiga maamulka fashilmay ee Muqdisho sidii awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda kale ee muhiimka ah ee gobolka iyo meelo ka baxsan weligiis ma shaqayn doono,” ayuu yidhi Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, taas oo dhalisay diidmo uga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka ah.

Madaxda Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan ayaa kulankoodii dhawaan ka dhacay dalka Masar ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyaga oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Dhanka kale, Somaliland ayaa sii wada dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee ay ku doonayso inay ku xoojiso aqoonsigeeda caalamiga ah, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkaysanayso in Somaliland ay qayb ka tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles