Suudaan oo eedeyn u jeedisay Itoobiya

Dowladda Suudaan ayaa ku eedaysay Itoobiya inay hakisay korontadii ay siin jirtay dalkaas, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay sii xumaynayso dhibaatada koronto la’aanta ee ka jirta waddanka dagaalladu saameeyeen.

Wargeyska “Sudan Tribune”, isagoo soo xiganaya Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka Suudaan, ayaa sheegay in joojinta sahayda korontada ee Itoobiya ay noqotay sababta keentay koronto go’a joogtada ah iyo mugdiga baahsan ee toddobaadyadii la soo dhaafay ka jiray guud ahaan dalka.

Dowladda Itoobiya weli wax war ah kama aysan soo saarin tallaabada cusub ee Suudaan sheegtay inay qaadday. Si kastaba ha ahaatee, hore ayaa loo ogaa in sahayda korontada ay hoos u dhacaysay sababo la xiriira lacagaha adeegga korontada ee Suudaan ay ku guuldarraysatay inay Itoobiya bixiso.

Eedeyntan ay Suudaan soo jeedinayso waxay timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo sameeyay magacaabis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha...

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan

Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu...

Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay qorshihii Xamsa, taageerayna BFS

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa 26-ka Sebtembar 2026...

Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay...

Sheegashada Puntland ee markabkii oo dood ka dhalatay iyo xog cusub

War cusub ayaa kasoo kordhaya cidda dhab ahaantii soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles