Sunday, March 1, 2026

Suuriya oo dooneysa in ay iskaashi la yeelato Imaaraadka, Qatar iyo Urdun

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibaani, ayaa ku dhawaaqay inuu booqan doono dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun, isagoo dhawaan safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah dhowaan ku tagay dalka Sucuudiga.

Wasiirka ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in  uu booqan doono saddexda waddan toddobaadkaan si loo taageero xasilloonida, amniga, soo kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi ay la yeeshaan dalalkaasi.

Xukuumadda cusub ayaa u hanqal taageysa  inay maal-gashi ka helaan waddamada Khaliijka ee hodanka ah si ay gacan uga geystaan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha  oo ku burburay dagaaladii ka jiray dalkaasi muddo toban sano ah.

Sacuudi Carabiya oo todobaadkii hore uu booqdy wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa durba u muuqata mid door weyn ka qaadaneysa dib u soo nooleynta dalkaasi,gaar ahaan arrimaha bini;aadanimada iyo dib u dhiska dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles