Friday, February 20, 2026

Tahriibayaal ay Soomaali ka mid yihiin oo ku dhintay xeebaha Talyaaniga

Dooni tahriibayaal ah oo ay la socdeen ku dhowaad ​​35 qof oo ka soo shiraacatay Liibiya ayaa ku degtay bartamaha Mediterranean-ka, waxaana la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu dhintay, labo kalena la la’yahay, sida uu sheegay isku duwaha UNICEF ee dalka Talyaaniga Axaddii.

Hawlgal samata bixin ayaa Jimcihii laga sameeyay xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, iyadoo ay fuliyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo badbaadiyay 11 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan afar carruur ah oo keligood safrayay, waxayna soo saareen meydka haweeney uur leh, sida ay sheegtay Nicola Dell’Arciprete oo ka tirsan UNICEF.

Dadka badbaaday iyo meydka ayaa la geeyay Lampedusa, halka rakaabkii soo haray aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

Doonta ayaa degtay kadib labo maalmood oo ay badda ku jirtay, Dell’Arciprete ayaa sidaas yidhi.

Lifaaqan ka dhegeyso faahfaahin dheeraad ah oo shilkaasi ku saabsan oo ay ka warrameyso Shukri Siciid oo ah weriye madax bannaan oo ku nool magaalada Rome ee dalka Talyaaniga:

Dhacdo taa ka duwan, maalintii Axadda ayaa la helay labo tahriibayaal ah oo meyd ah, 14 kalena xaaladooda ayaa liidata, kadib markii booliska canshuuraha Talyaaniga ay qabteen doon ay saarnaayeen 85 qof oo ka kala yimid Pakistan, Eritrea iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AGI.

Tirada 14-ka qof ee soo galootiga ah oo u baahnaa gargaar iyo labada mayd ayaa lagu wareejiyay laba unug oo Ilaalada Xeebaha ah oo meel 16 meyl u jirta xeebta Lampedusa waxaana la geeyay xeebta si loogu wareejiyo isbitaallada, AGI ayaa sidaa tiri.

In ka badan 32,700 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii, oo ay ku jiraan qiyaastii shantii qofba uu mid carruur yahay, sida laga soo xigtay xogta hay’adaha Qaramada Midoobay, Dell’Arciprete ayaa sidaas sheegtay.

Flavio Di Giacomo, oo ah af hayeenka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka, ayaa Sabtidii baraha bulshada ee X ka sheegay in ugu yaraan 916 muhaajiriin ah ay ku dhinteen bartamaha Mediterranean-ka illaa iyo hadda sanadka 2025-ka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo xilkii ka qaaday agaasimihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Soomaaliya oo ku biirtay dalalka cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed

Soomaaliya ayaa ku biirtay in ka badan 100 dowladood...

Deni iyo Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo maanta ku kulmaya Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa maanta oo Khamiis ah la filayaa in shir...

Milatariga Mareykanka oo sheegay maalinta ay diyaar u yihiin inay weeraraan Iran

  Saraakiisha ugu sareysa amniga qaranka ayaa madaxweyne Donald Trump...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles