Thursday, February 6, 2025

Taliska Asluubta oo magacaabay Guddi baaris ku sameeya weerarkii Xabsiga

Taliyaba ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa qaaday talaabooyin deg deg ah maalin kadib weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe.

Jeneraalka ayaa xilkii ka qaaday taliyaha Xabsiga Dhexe Maxamed xuseen Axmed oo loo heysto dayaca amniga Xabsigaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale goordhow magacaabay guddi baara sida ay wax u dheceen, kuwaasoo mudo cayiman looga dalbaday iney jawaab deg deg ah kusoo saaraan.

Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusioli daraya in ciidamo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ay shalay Xabsiga Dhexe ka wateen nin xukunnaa oo lala xiriiriyay inuu wax ka fududeeyay weerarka.

Weerarka oo dhacay Sabtidii ayaa waxaa ku naf waayay dad ka badan 5 ruux, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo sida Maxaabiistaasi dilka ku xukunaa ay hubka ku helaan.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles