Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay inay ku jirto “go’doomin milatari” ka dib markii taliyaha ciidanka – oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni – uu amray in la xiro telefishinnada, wargeysyada iyo idaacadaha.
Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay ku sugnaayeen meel dibadda ka ah xaruntooda caasimadda Kampala, isla markaana telefishinka NTV iyo Spark TV laga saaray hawada.
Warbaahintu waxay qayb ka tahay Nation Media Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Afrika.
Ma cadda waxa dhabta ah ee horseeday joojinta, laakiin qoraallo uu ku qoray X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu yiri: “Ma aaminsani saxaafadda xorta ah! Saxaafadda waa inay hagto kaadiriintii kacaanka.”
Kooxaha mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Gen Kainerugaba inuu yahay shakhsi udub dhexaad u ah nidaam aad u caburin badan oo uu hoggaamiyo aabihiis.
Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegaya in la damaanad qaaday xasilloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu soo hagaagay xilligii ay xukunka hayeen.
Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, waa hoggaamiye hore oo fallaago ah oo xukunka la wareegay qiyaastii 40 sano ka hor.
Taliyaha ciidamada Uganda oo albaabada u laabay warbaahinta ugu muhiimsan Uganda
NAGU SOO BIIR


