Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Antonino Mazzocca
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada ciidan.
Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo qalabaynta.
Dhankiisa, U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga, Captain (Navy) Antonino Mazzocca, ayaa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya.


