Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay Shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda ee dalalka caalamka, kaas oo lagu qabtay xarunta Arsenal ee Ciidamada Badda Talyaaniga.
Shirweynaha waxaa ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada badda ee dalal kala duwan, iyadoo looga hadlay arrimo la xiriira xoojinta amniga badaha caalamka, ilaalinta iyo sahminta fiilooyinka mara badda, horumarinta qalabka casriga ah ee ciidamada badda iyo xoojinta iskaashiga dowladaha leh dhul-badeedyo kala duwan.
Sidoo kale, shirka waxaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogta maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dalalka ku lugta leh amniga badaha.
Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka ganacsiga iyo bulshooyinka caalamka, isla markaana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal ugu jirto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka kale ee leh marin-badeedyo.
Taliyaha ayaa sidoo kale intii uu shirku socday waxa uu kulamo doceedyo kala duwan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Badda ee dalka Qatar Maj. Gen. Abdullah Hassan Al-Sulaiti iyo sidoo kale Taliyaha ciidamada badda Turkiga Admiral Ercüment Tatlıoğlu, waxayna ka wada hadleen xoojinta Iskaashiga saddex geesoodka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga.


