Tuesday, March 3, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Ku Maray Fariisimaha Ciidanka ee Degmada Ceel Dheer

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ka howlgala.

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda ciidamada iyo sida ay u fuliyaan waajibaadkooda difaaca dalka.

Sarreeye Gaas Odawa ayaa bogaadiyay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay uga difaacayaan dalka iyo dadkooda kooxda Al-Shabaab. “Waxaad tihiin halyeeyo u taagan difaaca qarankeenna. Hawlaha aad qabataan waa kuwa mudan in lagu faano,” ayuu yiri Taliyaha intii uu booqashada ku guda jiray.

Intii uu ku sugnaa Ceel Dheer, Taliyaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada gobolka. Kulammadaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hawlgalka ciidanka iyo qorsheyaasha horumarineed ee amniga.

Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ayaa saraakiisha faray inay ka go’naadaan fulinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sarreeye Gaas Odawa ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud la dardargelin doono. Wuxuu ciidamada ku booriyay inay u diyaar garoobaan howlgallo waaweyn oo la filayo inay bilaabaan maalmaha soo socda.

Taliyaha ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah fadhiisimaha muhiimka ah ee ciidamada, halkaas oo uu kula kulmay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan difaaca shacabka iyo in lagu sii adkeeyo nabadda laga hirgeliyay deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Kormeerka Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ee Degmada Ceel Dheer ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta amniga iyo dib u soo celinta xasilloonida deegaannada ay saameeyeen AS.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles