Thursday, March 13, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Ku Maray Fariisimaha Ciidanka ee Degmada Ceel Dheer

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ka howlgala.

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda ciidamada iyo sida ay u fuliyaan waajibaadkooda difaaca dalka.

Sarreeye Gaas Odawa ayaa bogaadiyay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay uga difaacayaan dalka iyo dadkooda kooxda Al-Shabaab. “Waxaad tihiin halyeeyo u taagan difaaca qarankeenna. Hawlaha aad qabataan waa kuwa mudan in lagu faano,” ayuu yiri Taliyaha intii uu booqashada ku guda jiray.

Intii uu ku sugnaa Ceel Dheer, Taliyaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada gobolka. Kulammadaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hawlgalka ciidanka iyo qorsheyaasha horumarineed ee amniga.

Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ayaa saraakiisha faray inay ka go’naadaan fulinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sarreeye Gaas Odawa ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud la dardargelin doono. Wuxuu ciidamada ku booriyay inay u diyaar garoobaan howlgallo waaweyn oo la filayo inay bilaabaan maalmaha soo socda.

Taliyaha ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah fadhiisimaha muhiimka ah ee ciidamada, halkaas oo uu kula kulmay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan difaaca shacabka iyo in lagu sii adkeeyo nabadda laga hirgeliyay deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Kormeerka Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ee Degmada Ceel Dheer ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta amniga iyo dib u soo celinta xasilloonida deegaannada ay saameeyeen AS.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

RW Xamsa oo Boqolaal Dadweyne ah Kula Afuray Suuqa Bakaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey la dagaalanka AS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxii Drones-ka ee Daacish oo lagu dilay Buuraleyda Cali-miskaad ee G/Bari

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles