Cudur ka dilaacay Xeryaha Qaxootiga iyo Soomaali badan oo u dhintay

Waxaa laga soo sheegayaa xaalad walaac leh oo ka taagan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo in ka badan 10 qof ay u geeriyoodeen xanuun cusub oo aan horay loo arag. Xanuunkaas oo si xowliga ah ugu faafaya gudaha xeryaha, ayaa bulshadu ku tilmaantay mid cabsi badan, maadaama uu leeyahay calaamado gaar ah oo aan horay loogu aqoon cudurrada kale ee deegaanka ka jiray.

Dadweynaha ku nool xeryaha ayaa sheegay in cudurku leeyahay calaamado qariib ah oo kala duwan, kuwaas oo dadka qaarkood ku wajaho qaabab halis ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u warramay warbaahinta Dalsantv ayaa yiri “Dadku qaabab kala duwan ayuu xanuunku ugu billowdaa. Qaar waxaa laga qabanayaa lugaha oo ay dhaqdhaqaaqi waayaan, qaar kale naxdin iyo naqaska ayaa ku dhacaya, halka qaarna sanka uu dhiig ka imaanaya, kaasi sababo dhimasho.”

Wararka ka imanaya macalimiinta wax ka dhiga goobaha waxbarashada ayaa muujinaya saameynta weyn ee cudurku ku yeeshay ardayda. Macalimiinta ayaa xustay in carruur badan aysan imaan karin iskuulada, maaddaama ay cudurka la jiifaan, taas oo sii adkeysay xaaladda guud ee bulshada.

Dadka qaarkood ayaa cudurka u bixiyey “kaduudiye,” maadaama calaamado uu muujinayo ay la mid yihiin kuwo cudurkaas hore loogu yaqaannay. Si kastaba ha ahaatee, khubarada caafimaadka ayaan weli si rasmi ah u qeexin magaca iyo asalka cudurka, taasoo sii kordhisay walwalka bulshada.

Cudurkan cusub ee ka dilaacay xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari Kenya, gaar ahaan xeryaha ay Soomaalidu ku badan tahay, ayaa noqday mid saameyn ballaaran leh. Xaaladda degdegga ah waxaa ay u baahan tahay feejignaan iyo gurmad degdeg ah si loo yareeyo khatarta sii kordheysa ee cudurkaas.

Mas’uuliyiinta caafimaadka iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si dhaqso ah uga jawaabaan, iyadoo la sameynayo baaritaanno faahfaahsan oo lagu ogaanayo asalka cudurka iyo habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo faafitaankiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles