Israa’iil oo beenisay eedeynta QM ee ah inay waxyeello ba’an gaarsiisay isbitaallada Qasa

Israa’iil ayaa beenisay warbixin ka soo baxday Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo sheegaysa in weerarrada Israa’iil ee isbitaallada iyo agagaarkooda ay nidaamka caafimaadka ee Gaza ku riixeen “inuu ku dhawaado burbur isla markaana ay keentay walaac weyn oo ku saabsan dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Bayaan ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in warbixintu ay siyaasadaysan tahay, iyadoo lagu eedeeyay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay inuu xiiso u qabo dhaleeceynta Israa’iil.

Warbixinta QM waxay baartay muddadii u dhaxaysay bilowgii colaadda iyo bishii June ee sannadkan, iyadoo si qoto dheer u sharraxday qaabka ay Israa’iil u weerartay, go’doomisay qasabna dadka uga saartay isbitaallada, taasoo horseedday dilka ama dhimashada bukaannada.

Daraasadda ayaa sheegtay in eedeymaha Israa’iil ee ah in isbitaallada ay si khaldan u adeegsadaan kooxda Xamaas ay yihiin eedeymo aan wax caddayn ah loo heyn.

Hore, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa wuxuu sheegay in isbitaallada Qasa ay noqdeen “dabin geeri ama dhimasho”.

Wasaaradda caafimaadka Qasana, waxay hore uga digtay in carruurta dhalaanka ah ay u dhimanayaan xaalad la yiraahdo Hypo-thermiaoo ah qabow daran, gaar ahaan kuwa ku dhasha xeryaha qaxootiga oo ay ku noolyihiin boqolaal kun oo barakacayaal falastiiniyiin ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles