Friday, January 30, 2026

Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo qarax lagula eegtay G/Sh/Hoose

Qarax miino ayaa lala eegtay  Abaanduulaha Ururka Awdheegle ee 14-ka October ee ciidamada xoogga  Maxamed Nuur Jareere., kaasi oo ku sii jeeday deegaanka Sabiib iyo Caanoole, isagoona gurmad u ahaa ciidamada dowladda eek u sugan deegaanada ay Al-shabaabka weerarka ku qaadeen.

Taliye Jareere ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa loo dhigay, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii kale ee la socotay ee ka mid ahayd ilaaladiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo taliska Xoogga dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka, waxayna tilmaameen inuu ahaa geesi ka baxay ciidamada.

Weerarka deegaanka  Sabiib ay ku qaadeen Al-Shabaab ayaa waxa ay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo ay ku weerareen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

WARARKII KALE

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Iraan oo dhoolatus ku sameynaysa gacan biyoodka Hormuz

Warbaahinta Press TV, oo ah telefishinka fka Ingiriisiga ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles