Tuesday, March 3, 2026

Taliye Sahal oo sheegay in Al-shabaab ay godad ka qoteen guryaha dadka shacabka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa tagay gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo kooxda ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen ciidamada xoogga iyo kuwa ciidanka Uganda, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay godad ka qoteen guryo ay deganayaan dadka shacabka ee ku yaala deegaanka Bariire.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles