Dhimashada duqaymaha Israa’iil ayaa sii kordhaya iyada oo haatan ay gaartay tirada ku naf weyday duqaymahaasi 104, sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay beegsadeen ‘’bartilmaameedyo argagixiso iyo argagixiso badan’’ ayna jawaab u ahayd sida ay sheegeen jabinta Xamaas ee xabbad joojinta.
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa ku eedeeyay Xamaas weerarka Qaza ee lagu dilay askari Israa’iili ah iyo jabinta heshiiskii xabbad joojinta ee ay gar wadeenka ka ahayd Maraykanka oo ay Xamaas ku xad gudubtay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in ‘’waxba’’ aysan khatar galin doonin xabbad-joojinta, Israa’iilna ay tahay in ay ka jawaabto marka askarteeda la beegsado’’


