Agaasimaha cusub ee waaxda warfaafinta iyo xirirka warbaahinta oo xilka kala wareegay agaasimaha hore

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed(Golfyare) iyo Agaasimihii hore Mudane Maxamed Aadan Maxamed.

Munaasabadda oo ku qabsoontay xarunta Villa Soomaaliya ayaa Agaasime Cabdixakiim waxa uu u rajeeyey Agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada in Alle uu u fududeeyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta Dowladda in ay si dhow ula shaqeeyaan.

Agaasime Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa soo bandhigay qorshaha cusub ee Waaxda iyo shaqooyinka horyaalla, isaga oo tilmaamay mudnaanta uu siinayo dib u habaynta Xafiiska iyo xoojinta xiriirka guud ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Agaasimihi hore ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa la wadaagay agaasinka cusub waxqabadkii la xaqiijiyey muddadii uu xilka joogay, isaga oo u mahadceliyey hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles