Tiro madaafiic ah oo Lagu garaacay xerada Xalane ee Muqdisho

Weerar hoobiyeyaal ah ayaa ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay dadka deegaanka u sheegeen Idaacadda jowhar.

Dhowr Hoobiye oo laga soo riday meel ka baxsan gudaha xerada ayaa ku dhacay, ilaa iyo 4 hoobiye ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dhaceen.

Dadka goob joogga ahaa ayaa soo wariyay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan.

Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka.

Sidoo kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Midowga Afrika ee AUSSOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro sidan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane.

Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalaan xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles