Trump oo cunaqabatayn kale ku soo rogay Ruushka

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu beegsanayo labada shirkadood ee saliidda ee ugu waaweyn Ruushka – Rosneft iyo Lukoil – si ay ugu cadaadiyaan Moscow inay ka xaajoodaan heshiis nabadeed oo laga gaaro dagaalka Ukraine.

“Mar kasta oo aan la hadlo Vladimir, waxaan la yeeshaa wada-hadallo wanaagsan, ka dibna meelna ma gaaraan ayuu yiri madaxweyne Donald Trump, ka dib markii uu la kulmay xoghayaha guud ee Nato Mark Rutte oo ay ka wada hadleen qorshaha nabadda.

Ku dhawaaqista cunaqabataynta ayaa timid hal maalin kadib markii Trump uu sheegay in kulanka la qorsheeyay in uu Budapest kula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu baaqan doono muddo aan la cayimin.

Trump ayaa ku dhaleeceeyay Putin inaysan dhab ka ahayn nabadda, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo in cunaqabatayntu ay gacan ka gaysato in horumar laga gaaro qorshaha nabadda.

Wuxuu ugu yeeray cunaqabateynta “mid aad u weyn”, wuxuuna intaa ku daray inuu rajaynayo in si degdeg ah looga qaado haddii Ruushka uu ogolaado inuu joojiyo dagaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles