Trump oo cunaqabatayn kale ku soo rogay Ruushka

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu beegsanayo labada shirkadood ee saliidda ee ugu waaweyn Ruushka – Rosneft iyo Lukoil – si ay ugu cadaadiyaan Moscow inay ka xaajoodaan heshiis nabadeed oo laga gaaro dagaalka Ukraine.

“Mar kasta oo aan la hadlo Vladimir, waxaan la yeeshaa wada-hadallo wanaagsan, ka dibna meelna ma gaaraan ayuu yiri madaxweyne Donald Trump, ka dib markii uu la kulmay xoghayaha guud ee Nato Mark Rutte oo ay ka wada hadleen qorshaha nabadda.

Ku dhawaaqista cunaqabataynta ayaa timid hal maalin kadib markii Trump uu sheegay in kulanka la qorsheeyay in uu Budapest kula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu baaqan doono muddo aan la cayimin.

Trump ayaa ku dhaleeceeyay Putin inaysan dhab ka ahayn nabadda, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo in cunaqabatayntu ay gacan ka gaysato in horumar laga gaaro qorshaha nabadda.

Wuxuu ugu yeeray cunaqabateynta “mid aad u weyn”, wuxuuna intaa ku daray inuu rajaynayo in si degdeg ah looga qaado haddii Ruushka uu ogolaado inuu joojiyo dagaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles