Sunday, March 22, 2026

Trump oo Iran ugu hanjabay weerar haddii aan la furin marin-biyoodka Hormuz

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si kulul ugu hanjabay dowladda Iran, isagoo sheegay in Mareykanku burburin doono warshadaha korontada ee dalkaas haddii aan si degdeg ah loo furin marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in Iran ay haysato 48 saacadood gudahood si ay “si buuxda oo aan hanjabaad lahayn” u furto marin-biyoodka Hormuz, haddii kale ay la kulmi doonto weerar toos ah.

Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Haddii Iran aysan si buuxda u furin marin-biyoodka Hormuz 48 saacadood gudahood, Maraykanka wuxuu weerari doonaa oo burburin doonaa warshadahooda korontada, isagoo ka bilaabaya tan ugu weyn.”

Hanjabaaddan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan kadib is-weydaarsiga hadallo adag oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

Dhanka kale, xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay Israa’iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in ku dhowaad 100 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, kaas oo lala beegsaday magaalada Dimona oo caan ku ah xarumaha nukliyeerka.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dagaalka Bariga Dhexe uu isu beddelo mid ballaaran oo saameyn ku yeesha amniga caalamka iyo dhaqaalaha, gaar ahaan marinnada ganacsiga muhiimka ah sida Hormuz.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xubnihii la tartami lahaa Lafta gareen oo gaaray Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in...

Koofur galbeed oo sheegtay in Hubka laga keenay Masar loo qeybiyay Maleeshiyaadka Buurhakaba

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cali Saciid Fiqi,...

DFS oo taliyeyaal cusub u magacowday deegaanada KGS

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska...

Lafta gareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada KGS

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa...

Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda Puntland, Jubbaland iyo KGS oo shir ku yeelanaya Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles