Thursday, June 19, 2025

Trump oo ku eedeeyay Zelensky inuu bilaabay dagaalka ka dib weerarkii weynaa ee Ruushka

Donald Trump ayaa Volodymyr Zelensky ku eedeeyay inuu bilaabay dagaalka Ruushka maalin kadib weerar ba’an oo Ruushku ku dilay in ka badan 30 qof oo ka dhacay Ukraine.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in hogaamiyaha Ukraine in uu eedda la wadaago madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee “malaayiinta qof eek u dhintay” dagaalka Ukraine.

“Kuma qaadid dagaal qof in ka badan 20 jeer kaa weyn, haddana ma rejayn kartid in ay dad ku siiyaan xoogaa madaafiic ah,” ayuu Aqalka Cad ugu sheegay wariyeyaasha isagoo sidoo kale ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Hadalka Trump ayaa imaanaya ka dib markii si weyn looga carooday weerarkii Ruushka uu Axadii ku qaaday magaalada Sumy ee dalka Ukraine, kaasoo ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Ruushka ku qaado dad rayid ah sanadkan.

Trump ayaa sidoo kale horey u sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid khalad ah.

“Malaayiin qof ayaa u dhintay saddex qof dartood,” ayuu yiri Trump Isniintii. Aynu nidhaahno Putin lambarka koowaad, aynu nidhaahno Biden oo aan wax fikrad ah ka lahayn waxa cadaabta ah ee samaynayo oo ah lambarka labaad, iyo Zelensky.”

Waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal kun, laakiin aan ahayn “malaayiin” dad ah ayaa la dilay ama la dhaawacay dhinac walba tan iyo markii Ruushku bilaabay gulufka weyn ee Ukraine 24-kii Febraayo 2022.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles