Trump oo sababta uu Iiraan u weeraray ku sheegay dal Jeceyl

Trump oo qararka la anxisiyey ku tilmaamay mid aan waddanka u hiilineyn. Donald Trump ayaa dhaleeceeyay codbixintii Aqalka Wakiillada Mareykanka ee lagu xaddidayay awoodihiisa dagaal, isla markaana meel mariyey qaraar lagu diidayo dagaalka Iiraan, waxa uuna Trump sheegay in tallaabadaasi timid xilli uu ku jiray “wada-hadalladii ugu dambeeyay” ee lagu soo afjarayay dagaalka lala galay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

“Yaa samayn lahaa fal sidan oo kale ah oo aan dal jeceyl ahayn?” ayuu yiri.

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa shalay meel mariyay qaraar muujinaya diidmadiisa dagaalka uu Mr. Trump kula jiro Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, qaraarkaas ma aha mid sharci ahaan khasab ah in la fuliyo, wuxuuna u badan yahay hadal ama calaamad muujinaysa mucaaradka ka dhanka ah siyaasadda dagaal ee Mr. Trump ee ku wajahaan Iiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles