Friday, March 13, 2026

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo milatari u soo dirayso biyaha Somalia si ay uga qeyb qaataan ilaalinta amniga badda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhici kara xeebaha dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa sheegay in maraakiibta la kala yiraahdo TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş ay kusoo wajahan yihiin Soomaaliya 16-ka Maarso 2026, oo ku beegan Isniinta toddobaadka soo socda.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay sugidda amniga badda Soomaaliya, maadaama Turkigu horay u soo diray markab sahminaya shidaalka ee ka shaqeynaya ceelashii sahminta lagu sameeyay sannadkii 2024.

Saraakiil kala duwan iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maraakiibtan ay la shaqeyn doonaan ciidamo Soomaali ah, inkastoo aan la shaacin tiradooda, si ay uga qeyb qaataan howlgalka ay wadaan Ciidamada Badda Turkiga.

Soomaaliya waxaa horey ugu sugnaa ugu yaraan saddex markab oo dagaal iyo kuwo galbinaya markabka shidaalka qodaya, taas oo ka dhigan in Turkigu uu xeebaha Soomaaliya u soo diray in ka badan 10 markab oo isugu jira kuwa dagaal iyo kuwa ilaalin ah.

Marka maraakiibtan ay ku soo xirtaan magaalada Mogadishu ayaa la qorsheeyay inay u sii gudbaan dhanka Red Sea, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan howlgalka ilaalinta biyaha Soomaaliya iyada oo la fulinayo heshiiska iskaashi ee dhinaca badda ee u dhexeeya labada dal.

WARARKII KALE

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles