Xoghayaha arrimaha dibadda UK, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in aysan “qorshahu ugu jirin” in ay ciidamo Britian ah qeyb ka noqdaan ciidamada isku dhafka ah ee la socon doono xabadjoojinta Gaza.
Wajiga ugu horeeyay heshiiska lala galay Xamaas ayaa horseeday Xabadjoojin iyo siideynta maxaabiista.
Cooper oo ka qeybgaleysay kulanka wasiirada arrimaha dibadda ee Paris ayaa sheegtay in UK ay siyaabo kale ku taageereyso geedi socodka nabadda sida in ay u raadiso Gaza maalgelin gaar ah.
“Tani waa geedisocod aan caga weyn ku taagneyn balse waxaa ka dambeeya ka go’naasho weyn, marka waa in aan ka shaqeysiinaa,” ayey tiri.
BBC-da ayaa weydiisay hadii ciidamada UK ay ku lug lahaanayaan arrimaha Gaza, Cooper waxay sheegtay “Taasi qorshaha nooguma jirto, ma jiro qorshe aan taas ku sameyneyno”.
Xoghayaha arrimaha dibadda UK waxaa sidoo kale la weydiiyay hadalkii dhawaan ee raysalwasaare Benjamin Netanyahu uu ka sheegay wareysigii Euronews kaas oo ahaa in yurub “aysan khuseyn” qorshooyinka xabadjoojinta, wuxuuna wareysiga ku sheegay dalal UK ay jiro oo Falastiin aqoonsaday in ay abaalmariyeen xagjiriinta.
Cooper waxay ku jawaabtay in UK iyo Israel ay isku khilaafeen arrintan balse waxaa loo baahan yahay in dalalka isku yimaadeen is nabadda looga dhabeeyo.


