Sunday, June 14, 2026

 Uk oo taageertay dadaalada lagu soo afjarayo colaada Mareykanka iyo Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare Keir Starmer uu kala hadlay dadaallada lagu soo afjarayo colaadda Iran, xilli uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay wararku sheegayaan, Starmer ayaa soo dhaweeyay horumarka la sameeyay, wuxuuna ku celceliyay in UK ay diyaar u tahay inay taageerto hirgelinta heshiis kasta oo nabadeed, ayna kala shaqeyso saaxiibada caalamka si loo xaqiijiyo guusha.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale isla gartay baahida loo qabo in dib loo soo celiyo xoriyada socdaalka si loo yareeyo cawaaqib xumada dhaqaale ee caalamka.

Warbixin kale, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Muxamed Isxaaq Daar iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Faysal bin Farxaan ayaa khadka taleefoonka kaga hadlay isfaham dhexmara Mareykanka iyo Iran.

Pakistan ayaa dhexdhexaadinaysa xabad joojinta Iran iyo Maraykanka, waxayna dhexdhexaadinaysaa wadahadalo lagu gaaray isfaham nabadeed oo dhexmara labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliland oo maanta gaaray Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliland Cabdirahman Maxamed Cabdullahi ayaa maanta booqasho rasmi...

DFS oo wajahaysa cadaadis cusub, xilli Cirro uu maanta la kulmayo Madaxweynaha Israa’iil

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul dareysatay inay wax ka...

Koox burcad badeed ah oo isku dhiibay Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay in saddex ka mid ah...

AUSSOM oo Soomaaliya keentay cutub cusub oo Boolis ah oo ka socda Ghana

Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles