Friday, March 13, 2026

Urur Goboleedka IGAD ayaa si adag u cambaareynayaa weerarkii AS ay ku qaadeen Xarunta Baarista Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Urur Goboleedka IGAD wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada ahaa ee kooxda argagixisada ah ay ka fuliyeen Xarunta Baarista Jilacow ee magaalada Muqdisho.

ciidamada amniga oo si degdeg ah oo geesinimo leh u joojiyay weerarka, iyagoo ka hortagay khasaare dheeraad ah oo nafeed, taas oo muujineysa adkaysiga iyo u heellanaanta ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya u leeyihiin la-dagaallanka argagixisada.

IGAD waxay ammaaneysaa xirfadda iyo geesinimada ciidamada amniga ee Soomaaliya, kuwaas oo jawaab degdeg ah bixiyay si looga hortago musiibo weyn. Weerarkan, oo dhacay kaddib guulo waaweyn oo ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen gobolka Shabeellaha Hoose iyo howl-galladii lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan argagixisada, wuxuu muujinayaa niyad-jab iyo quus sii kordheysa oo kooxdaas haysata, iyo guusha dadaallada socda ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Guud ee IGAD, ayaa muujiyay tacsi iyo garab istaag isagoo yiri:

“Weerarkan ma wiiqi karo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ama go’aanka adag ee gobolka. IGAD waxay si buuxda ula taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta.”

IGAD waxay mar kale ku celinaysaa baaqeeda ku aaddan in la xoojiyo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami si argagixisada looga takhaluso loona xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo adkaysiga guud ee Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles