Tuesday, February 24, 2026

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xalay dhexmaray Pakistan iyo Afqaanistaan

Xukuumadda Taalibaan ayaa xaqiijisay in ay weerar ku qaadeen ciidamada Pakistan oo ku sugnaa goobo badan oo buuraley ah oo ku yaala xadka waqooyi.

Khasaaraha weli ma cadda waxa ay Taalibaan ugu yeereen “hawlgallo aargoosi ah”, ka dib markii ay sheegeen in Pakistan ay ku soo xadgudubtay hawada Afqaanistaan ​​oo ay Khamiistii duqeysay suuq ku yaalla xuduudda.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa weerarrada Taliban ku tilmaamay kuwo aan laga fiirsan, isagoo ku eedeeyay inay rasaas ku fureen dad rayid ah. Ciidamada Pakistan waxay kaga jawaabi doonaan “tallaabo wlaiba”, ayuu ka digay.

“Afghanistan sidoo kale waxaa la siin doonaa jawaab ku habboon sida Hindiya, si aysan ugu dhicin inay Pakistan indho xaasidnimo ah ku eegto,” Naqvi ayaa ka digay.

Islamabad ayaa ku eedaysay Kabul in ay gabaad siiso argagixisada Pakistan ku bartilmaansada dhulkeeda, eedeyntaasi oo Taliban ay beeniyeen. Xiisadan ayaa timid xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Talibanka ee Afghanistan uu booqasho taariikhi ah ku joogo dalka Hindiya.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka fudud iyo madaafiicda gobolka Kunar-Kuram, sida ay BBC-du ogaatay.

Isagoo sheegay inuu “si adag u cambaareynayo” weerarrada Taliban, Naqvi wuxuu yiri: “Rasaasta ay ciidamada Afgaanistaan ​​ku garacayaan dadka rayidka ah waa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

“Afghanistan waxa ay ciyaareysaa dab iyo dhiig,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Afhayeen u hadlay militariga Pakistan ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tillaabooyin lagama maarmaan ah si ay u badbaadiyaan nafta iyo hantida Pakistan.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles