Friday, March 13, 2026

Wararkii u dambeeyey duqeyn xalay lagu weeraray Israel

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa inaysan jiri khasaaro ka dhashay ugu yaraan 60 gantaal oo Xisbullah ay ku weerartay xalay saqdii dhexe bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato.

Muuqaallada la daabacay ayaa muujinaya gantaalada oo hawada looga hortagayo, halka ku kalana la sheegay inaysan ka soo gudbin oo ay ku dhaceen xadka Lubnaan.

Xisbullah ayaa sheegtay in weerarkani uusan jawaab u ahayn dilka Haniyeh ama sarkaalkoodii hoggaaminta militariga, taas beddelkeeda, wuxuu jawaab u yahay bay yiraahdeen weerar lagu beegsaday tuulo ku taalla xadka Lubnaan.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa heegan gelisay diyaaradaheeda dagaalka, waxaana la kordhiyay tirada ku duulaysa hawada, halka tiro kalana lagu diyaariyay dhabaha ay ku duulaan.

Mareykanka wuxuu qeyb ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka u soo ka xeeyay xeebaha ku dhow Israa’iil, sababtoo ah Israa’iil iyo Mareykanka waxay xaqiijiyeen weerar ay soo qaadi karto Iran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles