Tuesday, March 3, 2026

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo in dhinacyadii ka qeyb galay ay si wadajir ah u soo saaraan warmurtiyeed rasmi ah.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, hanaanka doorashooyinka, iyo dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka. Doodahaasi ayaa la tilmaamay inay ahaayeen kuwo adag, iyadoo dhinacyadu ay muujiyeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Shirkan  ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay muran siyaasadeed oo salka ku haya qorshaha Madaxweynaha ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah, taasi oo si weyn uga hor yimid mucaaradka dalka. Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba ka maqnaa shirkan, iyagoo si cad u diiday qorshaha doorasho ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuna tilmaamay mid aan la isku raacsanayn.

Sidoo kale, shirka waxaa ka baaqday ka qeyb galka madaxda maamul goboleedyada

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles