Tuesday, March 3, 2026

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo taageertay talaabada gacanta lagu soo dhigay kiis la xiriira maalgelinta argagixisada

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaalka muuqda ee uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaas oo lagu baaray in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin si toos ah u taageerayay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Tallaabadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda dowladda ee lagu burburinayo awoodaha milatari, dhaqaale iyo maskaxeed ee ay kooxda argagixisada ah ku dhisan tahay. Sida lagu sheegay warbixinta rasmiga ah, waxaa la baaray in ka badan 3,500 akoon bangi, iyadoo la xannibay lacag dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000), taasoo si cad u muujinaysa guul weyn oo laga gaaray wiiqista halbowlayaasha dhaqaale ee Khawaarijta.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si gaar ah ugu ammaaneysaa hay’adaha dowladda ee ka shaqeeyay baaritaannadan, kuwaasoo si firfircoon uga qeyb qaadanaya dagaalka guud ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Dadaalladaasi waxay si buuxda u garab taagan yihiin howlgallada geesinimada leh ee ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo laamaha kale ee amniga.

“Dagaalka lagula jiro Khawaarijta ma ahan oo kaliya mid ciidan iyo qori lagu wajahay, ee waa halgan qaran oo dhinacyo badan leh. Dhaqaale ahaan, fikir ahaan iyo bulsho ahaanba waa in lala dagaallamaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles