Saturday, June 14, 2025

Wasiir Biixi oo ka qayb galay kulan looga hadlyay mashaariicda horumarineed ee waddamada gobolka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia laguna qabanayo shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) ayaa ka qeyb galay madal ra’yi is weydaarsi aheyd, heer keeduna sareeyay oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda dalalka geeska iyo ku dhawaad 300 oo marti dadweyne matalaya dalalka geeska.

Doodda oo muhiimadeedu ahayd sidii loo fulin lahaa mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalka ku bahoobay madashan ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray jawaabihiisa, in ay muhiim tahay in la fududeeyo isku socodka ganacsiga xuduudaha iyo maalgalinta ilaha dhaqaalaha si looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii loo helilahaa maalgalin dhinacyo badan ah, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka taas oo horseed u naqonaysa in laga maarmo ku tiirsanaanta taakulooyinka dibadda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles