Wednesday, July 30, 2025

Wasiir Cali Balcad oo difaacayay heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad, ayaa si adag u difaacay heshiiska tamarta (Hydrocarbons) ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo iftiiminaya rajo cusub oo dhaqaale iyo horumar loogu tallaabsanayo.

Mudane Cali Balcad ayaa sheegay in heshiiskan uu u gogol xaarayo in Soomaaliya ay noqoto dal si buuxda u faa’iideysta kheyraadkeeda dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay in heshiiskaasi uu dalka ka caawin doono yareynta ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno, kor u qaadidda shaqo-abuurka dhalinyarada, iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee dalka.

“Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya waa tallaabo istaraatiiji ah oo qayb ka ah hanashada madax-bannaanida dhaqaale, wuxuuna muujinayaa kalsoonida uu dal saaxiib ah oo sida Turkiga ah ku qabo horumarka iyo mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in heshiiska uusan ahayn oo keliya mid ku saleysan tamar, balse uu yahay go’aan qaran oo ujeeddadiisu tahay horumarinta mustaqbalka dadka Soomaaliyeed iyo sugidda karaamada qaranka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles