Sunday, March 29, 2026

Wasiir Cali Balcad oo difaacayay heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Balcad, ayaa si adag u difaacay heshiiska tamarta (Hydrocarbons) ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo iftiiminaya rajo cusub oo dhaqaale iyo horumar loogu tallaabsanayo.

Mudane Cali Balcad ayaa sheegay in heshiiskan uu u gogol xaarayo in Soomaaliya ay noqoto dal si buuxda u faa’iideysta kheyraadkeeda dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay in heshiiskaasi uu dalka ka caawin doono yareynta ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno, kor u qaadidda shaqo-abuurka dhalinyarada, iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee dalka.

“Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya waa tallaabo istaraatiiji ah oo qayb ka ah hanashada madax-bannaanida dhaqaale, wuxuuna muujinayaa kalsoonida uu dal saaxiib ah oo sida Turkiga ah ku qabo horumarka iyo mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in heshiiska uusan ahayn oo keliya mid ku saleysan tamar, balse uu yahay go’aan qaran oo ujeeddadiisu tahay horumarinta mustaqbalka dadka Soomaaliyeed iyo sugidda karaamada qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay doorashada ka dhacday Koofur Galbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay doorashada...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo ansixisay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee Banaadir

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah...

Axmed Madoobe oo Hambalyo u diray Hoggaanka KGS

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhambaal hambalyo...

Lafta gareen oo markale loo doortay MW KGS iyo weerar uu ku qaaday Xasan Sheekh

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay sameeyeen maamulka...

Lafta gareen oo la guddoonsiiyay shahaadada Musharaximada ee MW KGS

Maamulka Cabdicasiis Laftagareen ee Koonfur Galbeed ayaa si degdeg...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles