Tuesday, August 18, 2026

Weerar ku billowday qaraxyo oo Al-shabaab saaka ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku yaalla bariga gobolkaas.

Weerarka oo la sheegay inuu billowday saaka aroortii hore ayaa lagu soo warramayaa in uu ku furmay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, taasoo kaddib keentay dagaal fool ka fool ah oo weli socda.

Wararka horudhaca ah ayaa intaa ku daraya in kooxda weerarka qaaday ay la wareegeen qeybo ka mid ah deegaanka War-gaadhi, gaar ahaan agagaarka ceelka Ceel-ciid. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dagaalka ayaa ah mid aad u culus, iyadoo labada dhinac ay weli is weydaarsanayaan rasaas culus.

Saraakiisha dowladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka, iyadoo aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles