Weerar ku billowday qaraxyo oo Al-shabaab saaka ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku yaalla bariga gobolkaas.

Weerarka oo la sheegay inuu billowday saaka aroortii hore ayaa lagu soo warramayaa in uu ku furmay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, taasoo kaddib keentay dagaal fool ka fool ah oo weli socda.

Wararka horudhaca ah ayaa intaa ku daraya in kooxda weerarka qaaday ay la wareegeen qeybo ka mid ah deegaanka War-gaadhi, gaar ahaan agagaarka ceelka Ceel-ciid. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dagaalka ayaa ah mid aad u culus, iyadoo labada dhinac ay weli is weydaarsanayaan rasaas culus.

Saraakiisha dowladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka, iyadoo aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles